Xaafadaha Seattle: Brighton Beach – Taariikh Kooban

  • By David Wilma
  • Posted 3/18/2001
  • HistoryLink.org Essay 3110
See Additional Media

Brighton Beach waa xaafad ku taal Lake Washington koonfur-bari Seattle. Waxay koonfur kaga began tahay Bailey Peninsula (hooyga Seward Park) waxay ka soo fiddaa harada Graham Hill, ka gudubtaa Rainier Valley, oo fanataa dhinaca Beacon Hill, sida qaalibka ah inta u dhaxaysa S Othello Street dhinaca koonfurta iyo S Orcas Street waqooyiga. Muhaajiriinta Ingiriiska ah ee iibsaday dhulkii halkaas ahaan 1880dii ayaa ku magacaabay xaafadda magaalo dalxiis oo Inglaan ku taala. Taa kahor meeshu waxay hooy u ahayd Hindida Duwamish kuwaasoo ku lahaa tuulo la odhan jiray hah-HAO-hlch (“meel la xarrimay”) koonfurta Bailey Peninsula, dabadeedna ay yeesheen degeyaashii jarjaray geedihii waawaynaa, dhisay beeraha, bustaanada, iyo dugsiyada, oo sawiray dhulka guriga. Dhammaystirkii 1891 tareynka korontada ee rakaaba ee ku dhaadhacayey Rainier Valley ilaa iyo Magaalada Columbia wuxuu u furay Brighton Beach horumar badan. Xaafadda iyo kuwa ku qabsani waxa lagu daray Seattle 1907. Magaaladu waxay dhistay Garoonka Brighton 1930dii Dugsiga Sare ee Sharples Junior-na waxa markii dambe laga dhisay halka ku xigta garoonka. Sannadadii ku xigay Dagaakii II ee Adduunka qoysas Afrikaan Maraykana ayaa ka soo guuray Meelaha Dhexda koonfurta hoose ee Rainier Valley. Brighton Beach iyo Seward Park waxay sidoo kale xarun u noqdeen bulshada Yuhuuda ah ee Seattle, oo leh saddex gole oo Yuhuuddu ku kulanto qiyaastiina boqolkiiba 90 dadkaYuhuudda Assal-raaca ah ee magaalada.


Sources:

Don Sherwood, "Brighton Playfield," Interpretive Essays on the History of Seattle Parks, Handwritten bound manuscript dated 1977, Seattle Room, Seattle Public Library; David Buerge, "The Native American Presence in the Rainier Valley Area," typescript, undated, Rainier Valley Historical Society, Seattle; David Buerge, "Indian Lake Washington," The Weekly, August 1-August 7, 1984, pp. 29-33; HistoryLink.org Online Encyclopedia of Washington State History, "Central Area - Thumbnail History" (by Mary T. Henry) and "Galland Center" (by Lee Micklin), http://www.Historylink.org/; Mark Higgins, "Large Jewish population calls diverse community home," Seattle Post-Intelligencer, December 20, 1997, (seattlep-i.nwsource.com).
Note: This essay was revised on October 31, 2011.


Licensing: This essay is licensed under a Creative Commons license that encourages reproduction with attribution. Credit should be given to both HistoryLink.org and to the author, and sources must be included with any reproduction. Click the icon for more info. Please note that this Creative Commons license applies to text only, and not to images. For more information regarding individual photos or images, please contact the source noted in the image credit.
This work is licensed under a Creative Commons Attribution-NonCommercial-NoDerivs 3.0 Unported License
Major Support for HistoryLink.org Provided By: The State of Washington | Patsy Bullitt Collins | Paul G. Allen Family Foundation | Museum Of History & Industry | 4Culture (King County Lodging Tax Revenue) | City of Seattle | City of Bellevue | City of Tacoma | King County | The Peach Foundation | Microsoft Corporation, Other Public and Private Sponsors and Visitors Like You